Brcelona oo Qarka U saaran inay Chelsea, Arsenal Iyo PSG ku Garaacdo Saxiixa Vitor Roque.

0
146

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Brcelona ayaa tallaabooyin u jirta xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Vitor Roque oo u dheela kooxda waddankiisa ka dhisan ee Atletico Paranaense oo uu afka hore ee weerarka uga ciyaaro, hase yeeshee Barcelona ayaa waxay la kulmaysaa tartan adag oo kaga imanaya kooxo waaweyn.

Vitor Rogue oo 17 jir ah ayaa bandhig heersare ah samaynayay sannadkii ugu dambeeyey, waxaana uu kooxdiisa ka caawiyey inay timaaddo finalka Copa Libertadores iyadoo xulka qarankiisa Brazil uu la qaaday Copa America U20.

Barcelona oo doonaysa inay hesho dhaliye buuxiya booska Robert Lewandowski mustaqbalk adhow ayaa waxay waqti badan ku bixinaysaa sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd Vitor Roque oo ah No.9 dhamaystiran oo soo jiitay indhaha kooxo waaweyn.

Sida uu sheegay wriyaha wargeyska Mundo Deportivo ee Roger Torello, Barcelona ayaa ah kooxda ugu dhow saxeexa Roque oo xagaaga foodda inagu soo haya ay doonayaan inay keenaan Camp Nou, hase yeeshee waxa lacago badan la dul-taagan kooxo reer Yurub ah oo iyaguna doonaya adeegga Vitor Roque.

Arsenal ayaa la sheegay inay dalab weyn ka gudbisay Vitor Roque, waxaana arrintan si gaar ah ugu jira Edu oo ah agaasimaha ciyaaraha Arsenal oo u dhashay waddanka Brazil, kaas oo ugu gacan-haadinaya inuu ka mid noqdo jiilk dahabiga ah ee Emirates Stadium ee ay xiddigaha badan ee reer Brazil joogaan.

Waxa kale oo Vitor Roque doonaya Chelsea, West Ham United iyo Paris Saint-Germain hase yeeshee kooxaha Talyaaniga ah ee AC Milan, Inter Milan iyo Torino ayaa iyagana la sheegayaa in uu damac kaga jiro.