Borussia Dortmund Oo Magaalada Paris Ku Garaacday PSG, Una Gudubtay Finalka Champions League

0
98

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa iska xaadirisay finalka tartanka Champions League, kaddib markii ay labadii kulan ee semi-finalka Champions League kusoo garaacday Paris Saint-Germain oo isku-darka labada lugood ay kaga badisay 2-0.

Borussia Dortmund ayaa bartay PSG sida loogu shaqeeyo koox ahaan ee aanay shaqsiyaadka magaca leh guul u keenin, waxaana goolka madiga ah caawa ka Mats Hummals oo madax ku qabtay kubbad koorne ahayd qaybtii hore.

Lugtii hore ee labada kooxood ee toddobaadkii hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Dortmund oo markaas garoonkeeda joogtay, waxayse libinteeda ku xaqiijisatay hab-difaac adag iyo weerar rogaal-celis ah oo ay caawa ka sameeyeen garoonka Parc des Princes oo ay lugta labaad marti ugu ahaayeen PSG.

Borussia Dortmund ayaa finalka oo ka dhici doona garoonka Wembley Stadium, waxa ay la ciyaari doontaa Real Madrid iyo Bayern Munich midkooda soo baxa Arbcada, iyadoo finalka la dheeli doono 1da June.

Ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay Paris Saint-Germain oo afar jeer biraha garaacday, isla markaana iska lumisay fursado badan, ayaa waxa ay Borussia Dortmund ugu gudubtay finalka Champions League ee ay ugu dambaysay sannadkii 2013 oo ay Bayern Munich ka qaadday koobka.

Qaybta hore ee ciyaarta oo goolal la’aan ku dhamaatay ayaa waxa PSG fursad dahabi ahayd ka lumiyey Warren Zairre-Emery oo goolka hortiisa ka helay kubbad aanay cidina ka difaacin balse uu birta ka jaray daqiiqaddii 47aad, isla markaana bannaanka uga baxday.

Saddex daqiiqadood kaddib ayaa koorne uu soo tuuray Julian Brandt waxa madax awood badan ku qabtay Mats Hummels oo shabaqa ku hubsaday, isla markaana natiijada ciyaarta ka dhigay 1-0, marka lagu daro lugtii horena noqonaysay 2-0.

Nuno Mendes ayaa mar kale uu nasiibku diiday oo ay birta kaga dhacday kubbad uu goolka ku toogtay oo uu xataa goolhayaha dhaafiyey, waxaase uu wadnuhu gariiray jamaahiirta Borussia Dortmund daqiiqaddii 65aad, markaas oo Ousmane Dembele uu ku dhacay xerada ganaaxa balse VAR iyo garsoore Daniele Orsato ayaa isku raacay in qaladku uu ka dhacay bannaanka garoonka.

PSG oo aan waligeed ku guuleysanin tartanka Champions League, isla markaana sannadkii 2020 u gudubtay finalka oo ay Bayern Munich ka qaadday koobka ayaa waxa ay sidoo kale birta garaacday daqiiqadihii 86aad iyo 88aad oo ay Kylian Mbappe iyo Vitinha kubbado ay goolhayaha dhaafiyeen birta kaga dhaceen.

Finalka oo maalinta Sabtida ah ee June 1, 2024 lagu ciyaarayo garoonka Wembley ayaa Borussia Dortmund ay sugi doontaa Bayern Munich iyo Real Madrid midkooda soo gudba Arbacada, iyadoo lugtii hore ay labadan kooxood kusoo kala baxeen 2-2.

Borussia Dortmund ayaa ku riyoonaysa in markii labaad ay ku guuleysato tartanka Champions League oo sannadkii 1997kii ay ku guuleysteen iyagoo finalkii 3-1 kaga adkaaday Juventus.