Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Borussia Dortmund.
Daqiiqadii 7-aad kooxda kubadda cagta ee Sevilla ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaan 1-0 ka dhigay ciyaarta xiddigooda Suso.
Laakiin daqiiqadii 19-aad Borussia Dortmund ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Mahmoud Dahoud oo caawin ka helay saaxiibkiis Erling Haaland.
27 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Borussia Dortmund ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Erling Haaland oo caawin ka helay Jadon Sancho.
Daqiiqadii 43-aad Borussia Dortmund ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta markale Erling Haaland ayaa gaaray shabaqa naadiga Sevilla, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3, kaddib markii uu caawin qurux badan ka helay Marco Reus.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 84-aad kooxda Sevilla ayaa dhalisay gool, waxaana 2-3 ka dhigay dheesha xiddigooda Luuk de Jong, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay Oscar Rodriguez.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaaatay 2-3 oo ay Borussia Dortmund kaga soo adkaatay Sevilla oo ay ku booqatay garoonka Estadio R. Sanchez Pizjuan, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.
SAWIRRO: