Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada London waxaa ka dhacday xaflad qarsoodi ah oo uu ra’iisul wasaaraha dalkaas Boris Johnson ku mehersanayay lammaantiisa Carrie Symonds taasi oo ka dhacday kaniisadda Westminster Cathedral.
Xafladda ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen tiro kooban oo kamid ah saaxiibbada ra’iisul wasaaraha iyo qoyskiisa. Xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Downing Street ayaanan wax faahfaahin ah ka bixinin guurka ra’iisul wasaaraha ee qarsoodiga ah.
Wargeyska The Mail on Sunday ayaa sheegay in 30 qof oo kaliya lagu casuumay xafladda uu ra’iisul wasaaraha ku mehersanayay tiradaas oo ah tirada la oggolyahay in ay hal goob isugu yimaadaan xayiraadaha xanuunka Covid-19 awgiis.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in masuulyiiin sarsare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha aanay war ka heynin guurka ra’iisul wasaaraha.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda ayaa hambalyo u diray ra’iisul wasaaraha iyo marwada uu guursaday.
Warbaahinta ayaa markii ugu horreysay 2019-kii soo bandhigtay xariirka ra’iisul wasaare Boris Johnson oo 56 jir ah iyo marwo Symonds oo 33 jir ah iyada oo bishii February ee isla sanadkaasina la ogaaday in marwada ay uur u leedahay mudane Johnson kaddibna ay u dhashay wiil loogu yeedho Wilfred bishii April ee ina dhaaftay.