Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Boqor Maxamed 6-aad ee dalka Morocco ayaa ka codsaday dadkiisa in ay joojiyaan qalashada ariga ee Ciidda Carafo ee sanadkan, sababo la xiriira hoos u dhaca weyn oo ku yimid xoolaha dalkaasi.
Xoolaha Marooko ayaa 38% hoos u dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira daaqa oo yaraaday, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee ay soo saartay dowladdu.
Qiimaha hilibka ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana ilaa 100,000 oo ido ah looga soo dhoofiyaa dalka Australia.
Dadka muslimiinta ah ayaa munaasabaddan ku xusa in ay qalaan neef ari ah ama xoolo kale, waxaana hilibka la qeybsadaa qoyska masaakiinta ah oo loogu deeqo qaab sadaqo ahaan ah.
Ciidul-Adxa oo ku beegan bisha June, ayaa ah maalin ay dabaal dagaan dadka Muslimiinta ah, waxaana la qalaa xoolo loo yaqaano udxiyo taas oo sida Islaamku qabo mid lagu xusayo gawracii uu ka badbaaday wiilki nabi Ibrahim Ibraahim, ee la waydiiyay in uu gawraco.