Boqollaal reer Falastiin ah oo ka baxsanaya Marinka Rafax

0
100

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo ay sii socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan Marinka Rafax ayaa waxaa halkaa isaga barakacay tan iyo Isniintii dad lagu qiyaasay 80,000 oo qof sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga Falastiin u qaabilsan Qaramada Midoobey.

“Dadku waxay wajahayaan barakac kale,” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday, “Unrwa.

Waxaa intaa lagu daray “Dhibka soo gaaray qoysaskan ayaa ah mid aan loo adkeysan karin, meel ammaan ah ma jirto, waxaan hadda u baahanahay xabbad joojin.”.

Horey in ka badan hal malyan oo barakacayaal ah oo reer Falastiin ah oo kala bar dadkaa ka mid ah ay yihiin carruur ayaa Rafax hooy u ahayd.

Milatariga Israa’iil ayaa horey dadka ugu sheegay in ay halkaa isaga baxaan maadaama ay qorsheynayaan weerar dhulka ah oo Rafax ay ku qaadaan.