Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa boqolaal qoys oo barakacayaal ah deegaanka Qaam-qaam ugu qaybisay deeq Raashiin ah.
Raashiinkan oo ay ku deeqday boqortooyada Sacuudiga islamarkaana ay usoo wakiilatay Hay’adda Tadaamun ayaa waxaa loo qaybiyay 400 oo qoys kuwaas oo kasoo barakacay fatahaadda uu Webiga Jubba sameeyay islamarkaana ay Hay’adda Qaqootiga dib u dajin ugu sameysay deegaanka Qaam-qaam.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa kawaramaya