Booliska Mareykanka oo raadinaya nin dadka dilaya iyagoo hurdaya

0
224

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Nin hubeysan oo wajiga qarsaday ayaa waddooyinka Washington, DC. iyo New York shan weerar ah ka geystay sagaal cisho gudahood, isagoo tooganayay dadka darbi jiifka ah oo uu ku gaado waqtiga ay hurdayaan.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in habka loo adeegsaday dhammaan weerarrada uu yahay mid isku wada eg, labada duq ee maamulka labada magaalo ayaana ka baqaya in ninka dilalka geystay uu yahay “dilaa tababaran” oo baxsad ah.

Labo ka mid ah dadka weerarrada uu la beegsaday ayaa geeriyooday halka mid kalena markii la toogtay ay ku gubatay teendhadii uu ku jiray. Sidoo kale ninkaas ayuu toori la dhacay dilaaga.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay abaal marin siin doonaan qofkii gacan ka geysta soo qashada ninka dilalka fulinaya ee la garan la’yahay.

Saraakiisha booliska magaalada caasimadda ah ayaa sheegay in hal nin la dilay 3-dii bishan March mid kalena la dilay 8-dii isla bishan – labada weerarna waxay dhaceen xilli saq dhexe oo habeennimo ah.

Hal maalin uun kaddibna, laanta gurmadka degdegga ah ayaa u birmatay dab qabsaday teendho uu qof hoy la’aan ah ku lahaa magaalada, iyagoo gudaha ugu tagay ninkii dagganaa halkaas oo ay ku yaallaan dhaawacyo culus oo rasaas iyo toori ah.

Magaalada New York gudaheedana, nin wajiga qarsaday ayaa toogtay nin hurdayay oo ka mid ah dadka darbi jiifka ah ee ku nool waddada Soho ee ku taalla xaafadda Manhattan. Weerarkaas ayaa dhacay inta uusan waaga baryin ka hor.

“Qofka la weeraray oo ay rasaas uga dhacday gacanta ayaa soo kacay, wuxuuna ku qayliyay ‘maxaad sameyneysaa?'” ayuu yidhi ku xigeenka taliyaha booliska magaalada New York, Hank Suttner, oo shir jaraa’id qabtay. Kaddibna ninkii weerarka fuliyay ayaa ka cararay goobta.

Qiyaastii hal saac kaddib waqtigaas, sida ay boolisku sheegeen, isla qofkii ayaa toogasho ku dilay nin kale oo hurdayay waddo ku taalla isla waddada Soho.

“Hadda waxaa magaalada baxsad noogu ah dilaa dadka u geysta weerarro gaadmo ah,” ayaalagu yidhi bayaan ay wadajir u soo saareen duqa magaalada Washington, DC. iyo dhiggiisa magaalada New York, Eric Adams.

Adams ayaa sheegay in daawashada ay muuqaalkii CCTV-ga ee qabtay qofkii lagu toogtay Manhattan uu ahaa mid “argagax leh”.”Kiiskan way caddahay inuu yahay fal naxdin leh oo si qorsheysan loogu dilayay qof, sida muuqatana sababtu waa in qofkaas uu yahay hoy la’aan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.