Booliska caalamiga ah oo qabtay Maandooriye ka badan hal bilyan oo doolar.

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Howlgal isku xiran oo lagu xiray dad ka shaqeeya mukhaadaraadka ayaa lagu qabtay daroogo qiimaheedu gaarayo in ka badan hal bilyan oo doolar.

Booliska caalamiga ee Interpol ayaa sheegay in 7 dal ay 3 toddobaad isla shaqeynayeen laga bilaabo bishii July ilaa August si loo qabto maandooriyhaas.

Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Australia ayaa ku biiray dalalka Cambodia, Thailand, Vietnam iyo Myanmar si loo xiro jidadka la mariyo daroogada.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in la qabtay cadad badan oo ketamine ah taasn ay muujineyso sida maandooriyaha uu u noqday mid caan ah.