
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Biyo la’aan baahsan oo soo noqnoqtay ayaa ka taagan xaafado badan oo ka tirsan xeryaha dhaadhaab ee dalka Kenya gaar ahaan xerada qaxootiga xagardheer halkas oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagneed biyo la’aan aad u wayn oo soo wajahday dadka ku nool.
Meelaha inta badan biyo la’aanta ka taagantahay waxaa kamid ah xaafadaha ay ku noolyihiin qaxootiga dhawaan galka ah ee dhawaan dib kaga soo birey xeryaha dhaadhaab halkaasi oo ay ka jirto biyo la’aan tii ugu darneed.
Qaar kamida dadka biyo laa’nta soo wajahday oo warbahinta la hadlay ayaa shegay in ay in mudo ah ay waayeen biyo nadiif ah oo ay cabaan ayna ka cabsi qaban in xanunka shuban biyoodka uu ka dhasho goobta ay ku noolyihiin.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa fah-faahineysa
Audio Player