Beeraleyda Deegaanka dhoobley oo soo dhaweeyay mashruuc lagu taakuleynayo dadka beeralayda iyo kuwa xoolo dhaqatada ah

0
414

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dadka soomaaliyeed ayaa ah kuwa inta badan ku tiirsan tacabka wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha.Waxaa guud ahaan dalka kadhacday abaar baahsan oo saamaysay dadka beeralayda iyo kuwa xoola dhaqatada ah taasoo sababtay in ay yaraato wax soosaarka beeraha, kuwa xoolo dhaqatada ahna ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeeen.

Mashruuc ay fulinayso hay’adda WRRS oo lagu taakulaynaayo dadka beeralayda iyo xoolo dhaqatada ayaa laga daahfuray deegaanka dhoobley.Mashruucan ayaa waxaa soo dhaweeyay  beeralayda ee deegaanka dhoobley iyo sidokale kuwa xoolo dhaqatada ah iaygoo islamarkaana sheegay inay baahi weyn u qabeen.

Maxamed Cabdi Bundiid oo kamid ah beeralayda deegaanka dhoobley ayaa sheegay in aad uga riyaaqeen mashruucan loogu tala galay dadka beeralayda iyo kuwa xoolo dhaqatada ee ay abaartu saamaysay.

Dhanka kale Gudoomiyaha  beeralayda ee deegaanka dhoobley Cabdi Xassan Daud ayaa geestiisa sheegay in mashruucan uu yahay mid muhiim u ah beeralayda iyo xoolo dhaqatada deegaanka dhoobley ayna ka faa’iideysan doonaan.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya