Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka dhoobley ee gobolka jubada hoose waxaa uu kamid yahay degaanada ku haboon waxbeerista, bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa aad isugu taxluujinaya sida ay u sameysan lahaayeen beeraha ay kasoo go’aan dalagyada noocyadeeda kala duwan.
Qaar kamida ah bulshada danyarta ah ee ku nool xaafada danwadaag ee Magaalada Dhoobley ee isu abaabuley tabcashada beeraha oo radio sanguuni lahadlay ayaa waxay maamulka deegaanka, dowlada goboleedka jubbaland iyo haay’adaha sama falka ka codsadeen in lagu cawiyo abuurka beeraha iyo sidookale biyo ay ku waraabsadaan beeraha maadama ay yihiin dad danyar ah oo ku dhiiraday in ay beero tabcadaan.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka xaafada danwadaag xuseen cabdi muxumed ayaa sheegay in beertan ay tabcadeen dad danyar ah oo iskaashaday, isagoo intaas ku daray in dadkan danyarta ee ku dhiiraday in ay tabcadaan beer ay u baahan yihiin in laga caawiyo abuurka beeraha dhinac walbana laga taageero.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya