Beeraleyda Danwadaag oo Kawarbixiyay caqabadaha ka heysta Tacbashada Beeraha.

0
254

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaaraha xoggan ee ka jira qeybo badan oo kamid ah Dalka ayaa sababay in ay yaraadaan Wax soo saarka Beeraha Dalkeena oo uu Caan ku ahaa dhanka wax soo saarka Beeraha.

waxaa inta badan gabi ahaan aan sanooyinkii danbe la tacbanin Beeraha ku baxa xili Roobadka taasi oo ay sababeen Abaaraha soo noqnoqday.

Beraleyda Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose oo ahaa kuwa ay Beerahoodu ku baxaan xili Roobadka ayaana wali ka quusan in ay siitacbadaan Beeraha iyadoo lagu jiro xili abaar.

Beeraleydan ayaa waraabinta beerahooda u adeegsada Tuubooyin laga soo jiiday Ceelasha Biyaha ee ay Magaaladu ka cabto taasi oo mar marka qaar sheegeen in ay ad u yaraadaan Biyaha soo gaara maadamo ay yihiin ceelal lagu talagalay Magaalada.

Qaar kamid ah Beraleyda Xafada Danwadaag ee Magaalad Dhoobley ayaa Warbaahinta Sanguuni uga warbixiyay caqabadaha ka heysta Tacbashada Beeraha iyagoo Sheegay in xiligan caqabadaha ugu daran ee heysta ay yihiin Biyaha oo aad ugu yar iyo sido kale Cayayaan kaga dhashay Beeraha in uu dhibaato ku hayo.

Beraleydan ayaa ka codsaday Wasaaradda Beeraha Jubbaland iyo sido kale Hay’adaha dhinaca Beeraha ka taageera Soomaaliya in ay gacan ka siiyaan Tacbashada Beeraha.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya