Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shacabka Beeraleyda Degmada Godobjiraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka Cabanaya Bacaadka Guur Guura iyo Biya la’aanta oo Caqabad ku Noqotay wax Soo Saarka Beeraha Degmada iyo Deegaanada kale ku xeeran iyagoo sheegey in dhibaatada mudo la soo daalaa dhacayeen balse aysan awood u heynin in ay wax ka qabtaan kaligeed
Qaar kamid ah dadka Beeralayda Degmada Godobjiraan ayaa waxay dalbadeen in loo qodo Ceelal ay Biyaha ku waraabsadaan Beeraha sidoo kalana Bacaadka laga saaro Beerta dhaxdeeda maadama sidaan aan wax lagu Beeran Karin waxay Dowlada iyo Hey’adaha ka Codsadeen in dhibaatada wax lagala qabto si ay u kordhiyaan Waxsoosaarka Beeraha.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya