Beeralayda Deegaanka Dhoobley oo kawarbixiyay caqabadaha ka haysta tabcashada beeraha.

0
261

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadka beeralayda ah ayaa sanad walba waxa ay beeraan dalagyo Badan oo ka kooban noocyo kala duwan waxaana markii ay so go’aan dalagyadaas loo suuq geeyaa magaaloyinka iyo gobolada dalka soomaaliya.

Iyadoo ay sidasi jirto ayaa dadka beeralayda ah beerista dalagyadaas waxa ay kala kulmaan rafaad iyo daal badan maadaama ay qaadanayso xilli aad u badan waxaana usii dheer in mararka qaar wixii ay tacbeen in ay ka cunaan cayayaan  taas oo saamayn wayn ku yeelata wax so saarkooda.

Magaalada dhoobley waxaa ku nool dad beeraley ah kuwas oo soo saara dalagyo badan iyadoo beeraleyda qaar ay u suuq geeyaan dalagyadaasi  magaalada dhoobley ee  gobolka jubada hoose.

Qaar kamid ah beeraleyda deegaanka ayaa radio sanguuni ugu warbixiyay dalagyada ay beeraan iyo caqabadaha ay kala kulmaan.

Guud ahaan Beeralayda Somaaliyeed inta badan ma helaan taakulaynta ay u baahanyihiin hadana kama raja dhigaan in ay tabcadaan beerahooda islamarkaana ay wax soo saaraan.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya