Bayern Munich Oo Taariikh Ka Samaysay Koobka Kooxaha Adduunka.

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bayern Munich ayaa gaartay guushii ugu weynayd taariikhda koobka kooxaha aduunka kadib markii ay 10-0 ku xasuuqday kooxda Auckland City ciyaar ka dhacday garoonka TQL ee magaalada Cincinnati.

Kulan dhinac kaliya ahaa Jamal Musiala ayaa dhaliyay saddexley halka Thomas Muller, Michael Olise Iyo Kingsley Coman ay dhamaantood dhaliyeen min 2 gool

Sacha Boey ayaa dhaliyay goolka kale iyadoo kabtanka England Harry Kane uu awoodi waayay inuu gool dhaliyo.

Natiijada ayaa intaas ka badan lahayd laakiin Goolhayaha kooxda Auckland city ayaa badbaadin sameeyay.

Guusha Bayern ayaa ah tii ugu weyneyd tan iyo markii la aas aasay koobka kooxaha adduunka, Guushii hore ee ugu weyneyd waxay aheyd guushii 6-1 ay Al Hilal ka gaartay Al Jazira 2022.