Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bayern Munich ayaa go’aansatay inay sare u qaaddo qiimaha weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski, kaasoo doonaya inuu u dhaqaaqo Barcelona, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Robert Lewandowski ayaa si cad u xaqiijiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago Bayern Munich wax ka badan hal mar, waxaana uu sidoo kale shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona.
Hadalladan ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiinta naadiga Bavarianka, kuwaasoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo heshiiska u dhexeeya, kaasoo dhacaya xagaaga 2023-ka.
Ilo wareed dhowr ah ayaa sheegaya in Bayern Munich ay aqbali doonto bixitaanka Lewandowski hadii Barcelona ay u soo bandhigto dalab lacageed gaaraya 40 million euros.
Laakiin wargeyska Catalan ee Mundo Deportivo ayaa xaqiijiyay maanta oo Talaado ah in Bayern Munich ay sare u qaaday qiimaha Lewandowski, isla markaana ay gaarsiisay 50 million euros, waana lacag aad u badan marka loo eego xaallada adag dhaqaale ee Barcelona ay ku jirto.
Barcelona ayaa isku dayaysa in ay Lewandowski kula soo wareegto 30 million euros iyada oo tixgelinaysa in uu xiddiga da’ayahay, isla markaana heshiiskiisa hal sano uu ka harsan yahay.
Laakiin waxa ay u muuqataa in Bayern Munich ayna diyaar u ahayn in ay ka tanaasusho dalabkeeda dhaqaale ee gaaraya 50 million euros.