Bartii Twitter-ka ee Madaxweyne Trump oo gabi ahaanba hawada laga saaray

0
210

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay hadda si rasmi ah meesha uga saartay cinwaanka Madaxweyne Trump. Iyadoo sheegetay in go’aankan ay gaartay, kadib markii baaritaan lagu sameeyay qoralladadiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay bartiisa.

Waxay Shirkadda sheegay in ay jiraan walaacyo laga qabo halis sii hurin karta rabshadaha haatan ka taagan dalka Mareykanka. Waxayna tallaabadan imanaysaa, iyadoo shirkada onlinka ah ay maalmahan meesha ka saaraysay cinwaanada baahiya erayada kicinta ah ama dhibaato horseedi kara, gaar ahaan taageeryaasha Trump.

Arbacadii 12 saacadood ayay xirtay shirkadda cinwaanka Mr. Trump, ka dib khalalaasihii ka dhacay xarunta Congress-ka iyadoo sheegtay inuu mar kale isticmaali karo maaddaama uu tiray saddex qoraal oo ay sheegtay inuu meel ka dhac ku yahay siyaasadda bartaas.

Boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa weeraray dhismaha Capitol iyagoo gudaha u galay rabshadana halkaasi ka kiciyay. Twitter ayaa horay ugu digtay Trump, waxayna sheegtay in gabi ahaanba meesha ka saareyso cinwaanka Trump haddii uu baalmaro shuruucda u deggan shirkadda.

“Meel ka dhaca mustaqbalka ee Shuruucda Twitter, wuxuu sababi doonaa in gebi ahaanba la mamnuuco akoonka @realDonaldTrump.” Ayey shirkadda Twitter ku tiri markii ay u digeysay Trump.