Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka aargoosatay naadiga Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha u kala dhaliyay Cristiano Ronaldo oo 2 gool ah, iyo Weston McKennie oo dhaliyay gool qurux badan.
Cristiano Ronaldo oo la hadlay warbaahinta kaddib ciyaarta ayaa waxaa uu yiri:
“Waa wax aad u wanaagsan, aad ayaan u faraxsanahay waana ognahay inay aheyd himilo aan macquul aheyn inaan halkaan imaado oo aan dhaliyo goolal.”
“Waxaan u maleynayaa in furaha maanta ay tahay inaan ciyaarta ku soo galnay si fiican, labo gool oo 30-kii daqiiqa horey ee ciyaarta ah, waxaan u maleynayaa in tan iyo markaas, inaan u qabnay in wax walba ay macquul ahaayeen.”
“Waxaan xiriir saaxiibtinimo la leeyahay Messi had iyo jeer, waligey uma arkin inuu ila tartamayo, wuxuu isku dayayaa inuu sida ugu fiican u sameeyo kooxdiisa, anigana sidoo kale.”
“Waa waxay saxaafada abuurtay tartanka naga dhexeeya, oo hadaad weydiiso isagana wuxuu ku siinayaa isla jawaabtan.”
“Aragtidayda ku aadan Messi isma bedelin, Barcelona-na waxay mareysaa marxalad adag, kooxaha oo dhanna waxay marayaan waqtiyo xun marka laga hadlayo natiijooyinka iyo waxqabadka.”