Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa war wanaagsan ka heshay qaar kamida dhaawacyada kooxdeeda haystay muddooyinkan ugu dambeeyay kahor kulanka horyaalka La Liga ay la leedahay dhigeeda Real Mallorca.
Kaddib laba kulan oo fasaxa kulamada caalamiga ah lagu jiray, Barcelona ayaa xilli ciyaareedkeeda dib u bilaabanaysa Sabtida 1-da October kulan ay tagayso Iberostar Stadium.
Warka wanaagsan ee uu macalin Xavi Hernandez helayo kahor kulankaas ayaa ah inay diyaar u yihiin xiddigaha dhaawaca qabay ee Ousmane Dembele iyo Sergi Roberto sida uu sheegayo wargeyska Marca.
Ousmane ayaa gadaal laga xaqiijiyay inuu dhaawac kubka ahi ku gaadhay kulankaas isla markaana bedel aan la adeegsan ka ahaa ciyaartii dambe ee Denmark.
Soo laabashada Dembele ayaa war weyn u ah Xavi maadaama xiddiga French-ka ahi wakhti fiican ku jiray isaga oo laba gool iyo laba caawimo ka sameeyay lix kulan oo La Liga ah.
Sidoo kale soo laabashada Roberto ayaa aad muhiim u ah maadaama Xavi uusan haysan dookh kale oo daafaca midig ah kaddib dhaawacyada Jules Kounde iyo Hector Bellerin.