Barcelona Oo Shaacisay Midabka Dharka Ay Ku Ciyaarayso Kulanka El Clasico Ee Real Madrid

0
163

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa ka tanaasushay dharkeeda siyaasaddu ku ladhan tahay ee lagu badhxay calanka Catalonia kulanka koowaad ee El Clasico, waxaanay soo bandhigtay midabka ay ku dheelayaan iyadoo taageereyaashu ay fursad u haystaan in ay sii iibsadaan illaa gellinka hore ee maalinta Axadda.

Garanka ay ku ciyaarayaan oo ay ka muuqato logo-da heesaaga reer Canada ee Drake ee OVO ayay Barcelona soo bandhigtay laba maalmood ka hor waqtiga ay u safrayaan magaalada Madrid, kamana muuqdaan wax astaamo la xidhiidhinaya siyaasadda ay u ololayso ee madax-bannaanida Catalonia.

Barcelona oo dhowaan shaacisay in ay dharkeeda u beddelayso midabka caddaanka ah xilli ciyaareedka soo socda ayaa waxa halka calaamadda OVO lagu beddelay Spotify oo ah shirkadda la wareegtay magaca garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou ee muddada saddexda sannadood ah uu magaceedu ka badan doono garoomada.

War-saxaafadeed ay soo saartay kooxdu ayaa lagu sheegay in fikradaha ka dambeeya midabkan iyo calaamadda lagu dhejiyey garamada kooxda ee kulanka El Clasico ee Real Madrid in ay tahay xulafaysiga ka dhexeeya FC Barcelona iyo Sportify iyo in la mataaneeyo ciyaaraha iyo muusikada.

Spotify oo ah shirkadda ama application-ka ugu weyn ee muusikada ee Spotify ee ku jira mobilada ayaa waxa Axadda qabsan doonta ciyaarta Barcelona iyo Real Madrid.

Barcelona oo hoggaanka horyaalka haysa ayaa waxay booqan doontaa Real Madrid oo ay isku dhibco yihiin laakiin farqiga goolasha kaga hoosaysa, waxaanay ciyaartani imanaysaa iyadoo Barcelona niyad-jab kaga jirta Champions League oo ay halis ugu jiraan inay ka hadhaan.