Barcelona Oo Lagu Garaacay Rikoodh Jabiyaha Senegal Ee Kasii Yaabiyey Lamine Yamal

0
82
Amara Diouf of Senegal celebrates his goal during the 2023 Under 17 African Cup of Nations Quarterfinal match between Senegal and South Africa held at the Nelson Mandela Stadium in Algiers, Algeria on 10 May 2023 © Djaffar Ladjal/BackpagePix

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu garaacay xiddiga da’da yar ee reer Senegal ee Amara Diouf oo jabiyey rikoodh weyn isla markaana noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid u safta xulka qaranka Senegal, aas oo sidoo kale layaab ku ridaya dheemanka Barcelona ee Lamine Yamal.

Amara Diouf ayaa shalay loo diiwaangeliyey rikoodhka ah in uu yahay ciayartoygii ugu da’da yaraa ee abid u safta Senegal, kaddib markii uu beddel kusoo galay ciyaartii Rwanda.

Barcelona ayaa la sheegay in ay si weyn u doonaysay laacibkan oo uu qorshuhu ahaa in uu Xavi Hernandez ka garab ciyaarsiiyo Lamine Yamal oo isaga oo 16 jir ah qabsaday adduunyada, si Amara Diouf uu isaguna 15 jir ugu masaxo taariikhda Lamine.

Amara Diouf oo kasoo baxay kulliyadda caanka ah ee Generation Foot Academy ee ku taalla caasimadda Senegal ee Daka oo ah halkii uu Sadio Mane kusoo barbaaray, ayaa waxa ka sokow Barcelona doonayay kooxaha Premier League ee Manchester United iyo Arsenal oo ay shaqaalahooda suuqu muddo indhaha ku hayeen.

Laakiin waxa intoodaba ku garaacday kooxda horyaalka Faransiiska ee Metz oo qarka u saaran shaacinta heshiiskiisa, inkasta oo ay ku qasban yihiin in ay sugaan illaa sannadka 2024, si loogu ogolaan karo inuu usoo guuro Yurub.

Amara Diouf ayaa waxa uu dhashay sannadkii 2008, waxaanay da’diisu tahay 15 sannadood iyo 94 maalmood jir.