Barcelona oo ku dhow inay dhammeystirto heshiis ku kacaya 280 milyan oo euro… (Ka bogo faah-faahinta heshiiskan & Xilliga la filayo in lagu dhawaaqo)

0
216

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa sida la wada ogyahay la tacaaleysa dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran taasoo haatan u muuqaneysa mid xal loo helay maadaama ay ku dhowdahay inay heshiis maal-gelineed oo qaali ah ay la gasho shirkadda internet-ka ku baahisa muusigga ee Spotify.

Naadiga Barca iyo shirkadda Spotify ayaa qarka u saaran inay dhammeystiraan heshiis saddex sano ah oo ay kooxda reer Spain ku heleyso 280 milyan oo euro taasoo la micno ah inay 93 milyan oo euro xilli ciyaareed walba qaanaddeeda ku ridato sida laga soo xigtay RAC1, waxaana la rumeysan yahay inuu heshiiskan gargaar deg deg ah u yahay xaaladda dhaqaale xummo ee naadiga Blaugrana.

Heshiiska oo sida la wariyay maalmaha soo aaddan lagu dhawaaqi doono ayaa waxa uu ka kooban yahay in magaca shirkadda laga leeyahay dalka Sweden lagu xardho funaanadda kooxda koowaad ee ragga, funaanadda kooxda koowaad ee dumarka, funaanadda tababarka iyo magaca garoonka taasoo ka dhigan in magaca garoonka uu noqon doono Camp Nou Spotify.

Spotify ayaa baddeli doonto maal-geliyaasha haatan ee Rakuten, waxaana qandaraaskooda uu dhacayaa 30-ka bisha June ee sanadkan, Barça ayaana ka heleysay 55 milyan oo euro sanadkii shirkadda laga leeyahay dalka Japan, dhinaca kale kooxda dumarka ee Barça femení ayaa maa-gelin ka heysatay shirkadda Mareykanka ah ee Stanley, taasoo sanadkii bixineysay 3.5 milyan oo euro sanadkii.

Heshiiska shirkadda Spotify ee uu horkacyo mulkiilaheeda Daniel Ek waxaa sidoo kale ku jira in astaanta shirkadda (logo) lagu xardho gacmaha funaanadda ragga iyo funaanadda tababarka, waxaana haatan funaanadda tababarka lagu xayeysiiyaa shirkadda Turkiga ah ee Beko taasoo sanadkii ku bixisa qandaraaskaas lacag dhan 10 milyan oo euro.

Si kastaba ha ahaatee, farqiga ugu weyn ee qandaraaskan uu abuurayo waa magaca garoonka, waxaana lasoo warinayaa in maamulka shirkadda ay ku sugnaayeen magaalada Barcelona maalmahii iyadoo lagu casuumay inay garoonka soo booqdaan si loo dhammeeyo wada-hadallada heshiiska saddexda sano ah.