Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Barcelona ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah dib u dhigida taariikhda doorashada madaxtinimo ee kooxda, taasoo daaha looga qaadi doono aqoonsiga madaxweynaha cusub ee badali doona Josep Maria Bartomeu.
Kooxda Barcelona ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay:
“Kooxda waxay la kulantay xukuumada Catalonia, maanta oo jimco ah, si ay uga wada hadlaan qabashada doorashada madaxweynaha iyo guddiga agaasimayaasha kooxda iyadoo la tixgelinayo dhibaatada Korona Fayras.”
“Marka la eego kulanka, dowladdu waxay sheegtay in xaaladda caabuqa Korona Fayras ee hadda jirta aysan u oggolaanaynin ka guuridda degmada xubnaheeda aan ku lahayn goob cod bixinta degmadooda 24-ka January.”
“Kooxda waxay xaqiijineysaa in aan la qaban karin doorashooyinka maalinta loo cayimay iyada oo ay ugu wacan tahay xayiraadaha dhaqdhaqaaqa oo ay soo rogtay dowladda, waana taas sababta ay tahay in doorashada dib loogu dhigo.”
“Codsigii kooxda ee dowlada ee ahaa inay qiimeyso suurtagalnimada wax ka bedelka sharciga isboortiga ee hada jira, si loogu ogolaado codeynta boostada maalinta cusub ee doorashada, dowladuna waxay qaadatay inay daraasad ku sameyso codsiga.”