Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa ka codsatay kabtanka Chelsea ee César Azpilicueta inuu qaado tallaabo u fududaynaysa qandaraaskiisa.
Qandaraaska Azpilicueta ee Chelsea wuxuu dhacayaa sannadka soo socda, laakiin wararka saxafada ayaa tilmaamaya inuu doonayo inuu ku laabto Spain xagaagan.
Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun”, Barcelona ayaa jeclaan laheyd in Azpilicueta uu gudbisto codsi rasmi ah oo uu kaga tagayo Chelsea, kahor inta uusan dhicin qandaraaskiisa, taasoo ah wax uu ciyaaryahanka reer Spain ka caga jiidayo inuu sameeyo.
Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu wadaa inuu wadahadalo la yeesho Azpilicueta, kaasoo 474 kulan u saftay Blues, si uu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa.
Barcelona ayaa isku dayaysa inay buuxiso booska daafaca midig, ka dib markii kooxda ay xaqiijisay inaysan dooneyn inay qandaraaska u cusbooneysiiyaan ciyaaryahanka reer Brazil ee Dani Alves.