Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska Catalanka ah ee Sport ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Barcelona uu go’aan kama dambeys ah ka gaaray suuqa kala iibsiga xagaagan, isagoo si cad u sheegay inaysan kooxdu damacsanayn inay keenaan daafac cusub, inkasta oo Inigo Martínez uu si lama filaan ah ugu biiray Al Nassr
Sida uu wargeysku sheegay, mudnaanta ugu weyn ee Barcelona waqtigan waa inay diiwaangeliyaan ciyaartoyda cusub ee ay la soo wareegeen, halkii ay ku mashquuli lahaayeen saxiixyo cusub oo sii murjin kara xaaladda dhaqaale ee kooxda.