Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou ku garaacday kooxda Elche…+SAWIRRO

0
221

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku garaacday kooxda Elche kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 16-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Ferran Jutlgà kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Ousmane Dembélé.

19 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Gavi oo caawin ka helay saaxiibkiis Clément Lenglet ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 62-aad kooxda Elche ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ka dhigay laacibkooda Tete Morente kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Lucas Boyé.

63 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Elche ayaa la timid goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay Pere Milla oo caawin ka helay Tete Morente.

Laakiin daqiiqadii 85-aad kooxda Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 3-2 ka dhigay Nico González oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Gavi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Elche oo ku soo booqatay garoonka Camp Nou, Barca ayaa dhanka kala sareynta horyaalka Spain kaga jirtaa kaalinta 7-aad waxayna heysataa 27 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image