Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Osasuna

0
281

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Osasuna, kaddib markii ay ku garaacday 4-0, ciyaar ka tirsaneyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 14-aad Barcelona ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badalay weeraryahankooda Ferran Torres, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

21 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Ferran Torres oo ay caawin kaga timid Ousmane Dembélé.

Pierre-Emerick Aubameyang oo ay caawin kaga timid Ousmane Dembélé ayaa daqiiqadii 27-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 75-aad Riqui Puig ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Osasuna oo ku soo booqatay garoonka Camp Nou, Barca oo haatan kaga jirta kaalinta saddexaad dhanka kala sareynta horyaalka La Liga waxayna leedahay 51 dhibcood.