Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa weeraryahanka naadiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo ay dooneyso inay heshiis amaah ah kusoo qaadato bisha January ee soo aaddan marka uu furmo suuqa kala iibsiga bartamaha xilli ciyaareedka.
Kaddib anshax-xummada uu ku muteystay inuu waayo xilka kabtannimo ee naadiga Gunners, Aubameyang ayaa la filayaa inuu ogolaan doono ka tagista Emirates bisha soo socoto haddii uu helo yabooh raali geliya.
Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail. naadiga Barca ayaa xiriir la sameysay kooxda ka ciyaarta Premier League iyadoo kala xaajooneysa inay heshiis amaah ah ku qaadato kabtanka xulka qaranka Gabon inta ka harsan fasalkan si ay iyaduna ugu daboosho baahideeda dhanka weerarka.
Si kastaba ha ahaatee, Blaugrana ayaa dhowaan weysey weeraryahankeedii Sergio Aguero oo ay xagaagii bilaash kula soo saxiixatay kaddib markii uu ku dhowaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta sababo la xiriira xanuun dhanka wadnaha ka haleelay kaasoo u ogolaan waayay inuu sii wato ciyaarista kubadda cagta.