Barcelona Oo €40 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga U Beddelaya Sergio Busquets

0
159

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa bisha January suuqa ku laaban doonta si ay ula saxeexato ciyaartooyo ay isku xoojiso, kaddib xilli ciyaareedkan oo ay waji gabax kala kulmeen Champions League iyo horyaalka La Liga oo ay Real Madrid si xun u garaacday Axaddii.

Blaugrana ayaa diyaarisay €40 milyan oo Gini oo ay dul-dhigay xiddig u dhashaya waddanka Brazil oo ay ka dhiganayso beddelka kabtankeeda Sergio Busquets oo la sheegay in uu dhamaadka xilli ciyaareedkan ka tegayo kooxda, iyadoo illaa hadda aanay kooxdiisa isla soo qaadin heshiis cusub xilli qandaraaskiisa hore ku egyahay bisha June ee dhamaadka axilli ciyaareedkan.

Hore waxa loola xidhiidhiyay in Barcelona ay doonayso inay la saxeexato Ruben Neves oo u ciyaara xulka qaranka Portugal iyo Wolves, hase yeeshee wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa waxa uu sheegay, in Joan Laporta uu hadda u jeedsaday dhinaca laacibka da’da yar ee khadka  dhexe uga ciyaara kooxda reer Brazil ee Vasco da Gama ee Andrey Santos oo ay xiise dhab ah u muujiyeen.

18 jirkan ayaa lagu naanaysaa ‘Busquets-ka Brazil’, waxaana uu muddo ku jiray diiradda Barcelona inkasta oo ay jiraan kooxo kale oo reer Yurub ah oo iyaguna danaynay saxeexiisa.

Heshiiska  uu Santos kula jiro Vansco da Gama oo soconaya illaa sannadka 2027 ayaa lagu burburin karayaa €40 milyan oo Gini, waana lacagta ay Barcelona doonayso inay duuduubka ku bixiso si ay gacanta ugu dhigto laacibkan.