Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dib usoo noolaysay rajadeedii ahayd inay u tartanto horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay guul 1-0 ah ka gaadhay 10 ciyaartoy oo Las Palmas ah oo marti ugu ahaa Catalonya.
Ciyaartan oo natiijadeeda uu go’aamiyey xiddiga reer Brazil ee Raphinha oo madax ku dhamaystiray baas mucjiso ahaa oo uu ka helay Joao Felix, ayaa waxa Barcelona ay shan dhibcood ugu soo jirsatay kooxda hoggaanka haysa ee Real Madrid oo Axadda ciyaaraysa.
Kulankan oo Barcelona laga diiday laba gool, laba jeer ay birta garaaceen isla markaana fursadda shanaad uu dhamaystiray Raphinha ayaa waxa ay kooxda reer Catalonia ku hoggaamisay guul ay u qalmayeen.
18kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ayay Barcelona dhalisay laba gool oo ay shabaqa taabsiiyeen Roberto Lewandowsi iyo Raphinha balse labadaba laga diiday.
Daqiiqaddii 24aad ayay Las Palmas noqotay 10 ciyaartoy iyadoo casaan toos ah lagaga saaray Alvaro Vellas, waxaanay taasi wiiqday awoodda kooxda martida ah inkasta oo ay iska caabiyeen weerarkii badnaa ee kaga imanayey Barcelona.
Natiibka ayaa la baxsaday laba jeer oo kale oo ay Barcelona biraha garaacday iyadoo kubbado ay ku toogteen Lamine Yamal iyo Joao Felix.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Barcelona oo yeelatay 67 dhibcood, waxaanay shan dhibcood ka dambeeyaan Real Madrid oo haysata 72 dhibcood laakiin Axadda la ciyaaraysa Athletic Bilbao oo haddii ay guuleysato mar kale hoggaanka ku qaban doonta siddeed dhibcood.