(Barcelona) 14 Feb 2021. Barcelona ayaa saddexda dhibcood si raaxo leh kaga qaadatay kooxda Deportivo Alaves oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-1 ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.
Qeybtoo hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.
Daqiiqadii 29-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Trincao, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Ilaix Moriba.
45 marka ay ciyaarta aheyd Lionel Messi oo caawin ka helay saaxiibkiis Sergio Busquets ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 57-aad Deportivo Alaves ayaa la timid gool kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-1 xiddigooda Luis Rioja.
74 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Trincao oo caawin ka helay Lionel Messi ayaa dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.
Daqiiqadii 74-aad Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 4-1 ka dhigay Lionel Messi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Antoine Griezmann.
Junior Firpo oo caawin qurux badan ka helay Antoine Griezmann ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 5-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 5-1 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Deportivo Alaves oo ku soo booqatay garoonka Camp Nou, Blaugrana ayaa haatan ku jirta booska 2-aad ee kala sareynta horyaalka La Liga kaddib markii ay aruursatay 46 dhibcood.
SAWIRRO: