Barcelona Oo Bilawday Qorshaha Messi, LABADA Xiddig Ee Laga Ilaalinayo Inuu Curyaamiyo & Doorkiisa Haddii Uu Camp Nou Ku Laabto.

0
157

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida lagu sheegay warbaahinta Spain gaar ahaan wargeyska Mundo Deportivo, Barcelona ayaa ka fikiraysa qorshahaha ay kusoo celinayso kabtankii kooxdeeda ee Lionel Messi oo xilli ciyaareedkii labaad ku qaadanaya Paris Saint-Germain.

Warbixinta ayaa ugu horreynba sheegaysa in tababare Xavi Hernandez uu dib usoo dhawayn lahaa Messi isla markaana uu ka fikirayo haddii firaaqo dhaqaale oo u ogolaanaysaa jirto.

Madaxweyne Joan Laporta ayaa sidoo kale u furan soo laabashada Messi oo 35 sano jir ah, Laporta ayaa ka fikiraya doorarka Messi kooxda ka qaban karo kaddib waayihiisa ciyaareed iyo in macasalaamayn dhab ah uu mar kooxda kaga tago si ka duwan sidii uu hore ugaga tagay.

Warbixinta ayaa sheegay in haddii uu Messi ciyaaryahan ahaan Barcelona ugu soo laabto kaddib uu aqbali doono doorka inuu noqon karo ciyaartoy keydka laga soo kiciyo oo uusan sidii hore joogto uga ahaanayn shaxda asaasiga ah.

Mundo Deportivo ayaa sheegay in ka ciyaarista doorka weeraryahanka beenta ah ee Messi ay adkaan doonto haddii uu soo laabto maadaama uu Robert Lewandowski horeba kooxda usii joogo.

Mundo ayaa intaas ku daraya in laba xiddig oo Blaugrana aysan doonayn inuu Messi horumarkooda curyaamiyo sababtiisana ay keydka u fadhiistaan ay kala yihiin Pablo Gavi iyo Pedri oo imika joogto ka ah khadkooda dhexe.

Heshiiska uu Messi kula joogo PSG ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxa la filayaa inuu go’aan gaadhi doono kaddib koobka aduunka.