Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa barbarro niyad-jab ah ku furatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Spain ee LaLiga iyaga oo garoonkeeda Camp Nou goolal la’aan ay ku kala baxeen Rayo Vallecano.
Barcelona oo ay safkeeda hore kasoo muuqdeen saxeexyadii cusbaa ee xagaagan ay sameeyeen sida Robert Lewandowski, Raphinha, Andreas Christensen iyo Franck Kessie, waxaanay ciyaarta ku dhamaysatay toban ciyaartoy kaddib markii kaadh casaan ah lagaga saaray kabtankooda Sergio Busquets.
Rayo Vallecano ayaa iyadana laga diiday gool ay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta dhaliyeen oo isaguna offside ahaa, kaas oo garsooreyaasha VAR ay iyaguna si fudud ugu waafaqeen garsooraha dhexe.
Raphinha iyo Pedri ayaa sameeyey toogashoon bannaanka ah oo aan guuleysanin, waxaana kooxda martida ahayd ee Rayo Vallecano ka muuqatay inay difaac ahaan habaysan yihiin, sidoo kalena ay si fiican u wada shaqaynayeen ciyaartoydeedu.
Khatarta ugu weyn ee qaybta hore waxay ka imanaysay Dembele oo laba isku day oo heersare ah sameeyey, halka uu sidoo kalena xerada ganaaxa ku bixiyey saddex baas oo waayey cid ka faa’iidaysa iyo laba karoos oo uu madaxa soo saaray, halka Raphinha iyo Lewandowski ay ka luntay sirta dhamaystirku.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay maraysay daqiiqaddii 55aad ayuu Raphinha kubbad kala soo galay dhinaca midig, waxaana uu u dhiibtay oo isaguna goolka ku toogtay blase goolhaye Dimitrievski oo ahaa xiddiga garoonka ayaa labada gacmood la tiigsaday.
Lewandowski ayaa mar kale kubbad uu Ansu Fati u dhiibay, waxa uu ku toogtay lugta bidix waxaanay inyar dhinaca ka martay birta iyadoo waliba aanu goolhayuhu u dhaqaaqin oo aanu badbaadin kareen.
Laba darbadood oo xooggan ayay Ansu Fati iyo Sergio Busquets ku toogteen goolka balse waxa labadaba badbaadiyey goolhaye Dimitrivski, ka hor intii aanu Pierre-Emerick Aubameyang oo beddel kusoo galay aanu kubadda dhaafinin goolhayaha, waxaana iyadoo laynka sii dhaafaysa soo qabtay difaaca Rayo Vallecano.
Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Barcelona ka galaaftay kabtankooda Sergio Busquets oo galay qalad laga maarmi karayay isaga oo kaadh hore oo digniin ah haysta, waxaanay ka fursan weyday in garsooruhu uu kaadh labaad siiyo oo laga saaro ciyaarta maadaama uu gacanta u dhigay ciyaartoy ka qaadanayay kubbad baas qaldan ahayd oo uu bixiyey. Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah.