Barcelona iyo Inter oo barbaro ku kala baxay, Liverpool oo guul weyn gaartay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League

0
191

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulammo ka tirsan heerka guruubyada tartanka UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaaray, iyadoo ay ku jireen kulammo waa weyn.

Kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ayaa kulan Lix gool leyska dhaliyay ee ka dhacay garoonka Camp Nou waxay ku kala baxeen barbardhac 3-3 ah, taasoo ka dhigeysa in haddii kulanka soo aadan ay Inter guul gaarto ay u gudbi doonto wareega xiga ee tartankan.

Kooxda reer Germanay ee Bayern Munich ayaa ku oo garaacday dhigeeda Viktoria Plzen oo ay booqdeen, waxayna kaga soo adkaatay 2-4, Mane, Muller iyo Goretzka ayaa goolasha u kaladhaliyay Bayern.

Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka soo gaartay naadiga Rangers kaddib markii ay dhagta ciida ugu dartay 1-7, iyadoo ay goolasha Reds kala qeybsadeen, Salah oo saddexleey dhaliyay, Firmino, Elliott iyo Nunez.