Barakacyaasha kaam Xagar Oo Cabasho Ka Muujiyey Biyo La’aan Soo Foodsaartay.

0
178

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 300 qoys ayaa ku nool kaamka xagar ee degmada dhoobley ee gobolka jubada hoose, qaar kamid ah dadka kaamkaasi ku nool ayaa cabasho ka muujiyay biya la’aan baahsan oo ka jirta kaamka waxayna sheegeen dadka dagan kaamka in ay biyo u raadsadaan meel masaafo ahaan ka fog halka ay dagan yihiin

Dadkan barakacayasha ah ayaa qaba baahiyo badan oo aasaas u ah nolosha oo ay uga horeyso biyo la’aan hooy la’aan iyo arima kale oo isbiirsaday.

Qoysaskan danyarta ah ayaa radio sanguuni uga warbixiyay duruufaha nololeed oo ay wajahayaan iyagoo islamarkaasi maamulka Degmada iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in laga haqab tiro baahiyaha ay qabaan.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya