Barakacyaasha kaam daryeel ee Deegaanka Dhoobley oo codsaday in gar gaar lala soo gaaro.

0
225

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-kaam daryeel ee Magalada Dhoobley ayaa waxaa ku sugan barakacayaal ka soo hayaamay deegaanadii ay daganaayeen oo ay ku habsatay abaarta ka jirda dalka.

Hadaba kamkan ayaa  Waxaa ka jira biyo la’aan musqulo l’aan, Waxbarasha la’aan, xaruumo cafimaad oo tayo leh oo kajirin iyo sido kale xaalada nololeed oo ah mid aad u liidataa.

Qar kamida dadka  barakacayaasha ee  dagan kaamkan oo Radio Sanguuni lahadlay  ayaa  waxa ay Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ha’yadaha Samafalka ka codsadeen  in kaamka loo soo galiyo biyo iyo sido kale in loo qodo  musqulo.

Sido kale isagana waxaan geestiisa waraysanay gudoomiyaha kaam daryeel Iidle Xasan Cabdi isagoo noo sheegay in kaamka ay baahi badan kajirto habo u badnaadaan biyo la’aan iyo muqul’aan isagoona Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay soo caawiyaan dadkan danyarta ah ee xoolihii ay dhaqanayeen ay ka dhamaadeen.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawarbixinaya