Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Barakacayaasha dagan kaam Daahirow ee Magaalada Dhoobley ayaa sheegay in ayna heysanin Bacaha Roobka laga dugsado maadaamo la filayo Curashada Roobka deyrta.
Dadkan Barakacaaysha ah ayaa dagan cooshado yaryar oo kasamaysan Baco iyo kartoona laysku xidh xidhay mana u adkaysan karaa dhibicda Roobka maadaama ay yihiin dad aad unugul.
Qaar kamid ah Barakacyaasha kaamka Daahirow ee Deegaanka Dhoobley ayaa Maamulka Deegaanka iyo Ha’yadaha samafalka ka codsaday Bacaha Roobka laga dugsado.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixitan inoga diyaariyay
Audio Player