Barakacyaal ku nool xaafada Danwadaag oo codsaday Adeegyada aas-aasiga u ah nolosha Bulshada.

0
187

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose waxa ay kamid tahay Magaalooyinka ay soo gaareen Barakacyaasha ugu badan ee ku barakacay Gudaha Dalka saameyeena Abaaraha ba’an ee ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah gobalada Dalkeena.

Barakacyaasha soo gaadhay Dhoobley ayaa ahaa kuwa inta badan ay noloshoodu ku tiirsaneyd dhaqashada xoolaha iyo sido kale tacbashada Beeraha balse waxaa saameyno kala duwan ku yeeshay abaaraha ka jira Dalka oo dhaxal siiyay in ay Barakac ku noqdaan kaamam loga sameeyay Magaalooyinka.

Barakacayaal badan oo ku nool guud ahaan kaamamka ku yaalo Magaalooyinka Dalka ayaa xiligan wajahaya duruufo kala duwan oo dhanka nolasha.

Qaar kamid ah Barakacyaasha ku jira kaamamka ku yaala xaafada Danwadaag ee Magaalada Dhoobley ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabaan heelida waxyabaha nolosha bulshada Aas-aasiga u ah sida Waxbarasho, Caafimaad iyo heelida Biyo ku filan Barakacyaashan ayaa ka codsaday Hay’addaha Samafalka iyo dowlad Goboleedka Jubbaland in loo fidiyo adeegyada aas-aasiga u ah nolosha adaanaha.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa