Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dadka reer guuraga ah ee ku dhaqan duleedka magaalada dhoobley ee gobolka jubbada hoose ayaa waxaa so foodsartay biyo la’aan baahsan kadib markii ay gudheen wara biyoodkii ay biyaha ka heli jireen.
Dadkan ayaa biyaha usoo doonta deeganka dhoobley iyaago meela kala duwaan ka kala yimaada.Durufaha haysto dadkan reer miyiga ah ayaa ah kuwa soo noqnoqday taaso lo aanaynayo abaartii baahsanayd ee ka dhacday dalka.
Qaar kamid ah dadkaasi oo aan kula kulanay ceelka dhoobaale ee degaanka dhoobley ayaa ka warbixiyay inay hayso biyo laa’an baahsan taasina ay usii dheer tahay qiima kororka ku yimid noocyada kala duwan ee maciishada oo ay awoodin iibsashada raashinka qutul daruuriga ah Waxayna cid kasto oo wax kaqaban karto baahidooda ay ka codsadeen in ay cawinaad siiyaan ama gargaar bani’adanimo u fidiyaan.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa