Barakacyaal ku nool Dhoobley oo codsaday in loo hirgaliyo Goobo Waxbarasho.

0
210

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaam xagar waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose  kaamkan  ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka  soo barakacay abaarta ku habsatay dalka.

kaamkan ayaa waxaa ku nool  dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday deeganka dhoobley.Kaam xagar ayaa waxaa ka jira xaalada bini’aadanimo oo isbiirsaday sida hoy la’aan musqulo la,aan iyo sidokale goobo waxbarasho oon kajirin kaamkaasi

Barakacyaasha dagan kaam xagar ee Degmada Dhoobley oo lahadlay Radio Sanguuni ayaa ka warbixiyay waxbarasho la’aanta haysata caruurtooda islamarkaana Maamulka Degmada iyo Hay’addaha Samafalka ka codsay in loo furo goobo waxbarasho.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay