Barakacayaasha ku nool Kismaayo oo sheegay in roobkii gu’ga ee da’ay uu saameyn ku yeeshay.

0
228

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo uu bilowday Roobkii Gu’ga ayaa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay waxa u ka da’ayay Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubbada Hoose kaasi oo saameyno kala duwan ku yeeshay dadka Barakacyaasha ee ku nool Kaamamka Kismaayo.

kaamka Badbaado oo kamid ah Kaamamka ku yaala Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dadka dagan soo food saartay xaalad Bini’aadanimo kadib markii Buushashkii ay Daganaayeen Biyaha Roobku ugu soo galeen.

Dadkan ayaa u badan Haween iyo carruur ka soo barakacay Deegaanada Jubbalaand iyo sido kale Gobolada kale ee Dalka oo bilihii lasoo dhaafay ay ka jireen Abaaro Xoggan.

Barakacyaashan ayaa umada Soomaaliyeed ka codsaday in ay soo caawiyaan madaamo ay ku jiraan xili adag.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya