Barakacayaasha ku nool kaamka xagar ee Degmada Dhoobley oo codsaday in loo dhiso musqulo.

0
212

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaam xagar waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose,  kaamkan  ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka soo barakacay abaarta ku habsatay dalka.

kaamkaasi ayaa waxaa ku nool  dad danyar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday Degmada Dhoobley.Kaam xagar ayaa waxaa ka jirta xaalado bini’aadanimo oo isbiirsaday sida hoy la’aan musqulo la,aan iyo arima kale.

Hadaba qaar kamid dadka dagan kaamkan xagar ayaa warbaahinta sanguuni uga warbixiyay baahiyaha ka jira kaama iyagoo islamarkaasi ka codsaday maamulka iyo hayadaha samafalka in loo dhiso musqulo madaama kaamka ay ku noolyihiin dad danyar ah oo aan awoodin helidda waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya