Barakacayaasha ku nool kaamka Daryeel ee Deegaanka Dhoobley oo codsaday in loo dhiso musqulo

0
236

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kaam daryeel waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose  kaamkan  ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka  soo barakacay abaarta ku habsatay dalka.

kaamkan ayaa waxaa ku nool  dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday deeganka dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale. Kaam daryeel ayaa waxaa ka jira xaalada bini’aadanimo oo isbiirsaday sida hoy la’aan musqulo la,aan, Xarrumo caafimaad oo aan kajirin iyo arima kale.

Hadaba qaar kamid dadka dagan kaamkan daryeel ayaa warbaahinta sanguuni uga warbixiyay baahiyaha ka jira kaama iyagoo islamarkaasi ka codsaday maamulka iyo hayadaha samafalka in loo dhiso musqulo madaama kaamka ay ku noolyihiin dad danyar ah oo aan awoodin helidda waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya