Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaam qorax waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose, kaamkan ayaa aas aasan mudo sideed bilood ah waxaana dibu dajin loogu sameeyay qoysas danyar ah oo gaadhaya 750 qoys oo ka soo barakacay deeganadii ay daganayeen iyagoona iskugu jira dad beeralay ah iyo kuwa xoola dhaqata oo xoolahoodii ay dhaqanayeen ku waayay abaarta ku habsatay dalka soona miciin biday degmada dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale oo qaarkood ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dhadhaab halka kuwa kalena ay iyagana ka soo barakaceen qaaybo kamid ah gobalada dalka.
Kaamkan ayaa waxaa ku nool dad danyar ah oo aad u nugul oo isugu jira waayeelo haween caruur mana haystaan adeegyada nolasha aas aasiga u ah sida biyaha cunada caafimaadka, qaar kamid ah qoysaskan baracayaasha oo aan waraysi layeeshay ayaa iiga warbixiyay xaaladooda nolaleed iyagoona dawlad gubaleedka jubbaland iyo haay’adaha samafalka ka codsaday in gurmad dad daga lala soo gaadho.
Sidookale waxaan isagana geestiisa waraysi la yeelanay gudoomiyaha kaamka Cabdiraxmaan muxumad xasan anigoona kawareysanay xaalada guud ee kaamka wuxuuuna inoo sheegay xaalada nololeed ee ka jirta kaamka fariin baaqana u diray dawlad gobaleedka jubbaland iyo haay’adaha samafalka in garab istaag loo muujiyo dadka danyarta ah ee ku nool kaamka qorax
Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaariyay