Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo Deegaanada hoos yimaada waxaa degan Barakacayaal aad u badan kuwaas oo xiligan wajahaya walaac ay ka qabaan qataraha ka dhalan kara roobaabka daayrta oo ka curtay qaybo ka mid Deegaanada Dowlad Goboledka Jubbaland.
Barakacayaasha degan kaamka Badar ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay san haysan hooy fiican oo ay roobka ka galaan sido kalana kaamka ay deganyihiin uu yahay mid ciriiri ah oo musqulaha iyo guryuhu ay aad isugu dhaw yihiin taasna ay ka dhalan karaan cudurada faafa.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaay