Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Barakacayaasha dagan kaamka mowliid laqaay ee Magaalada Dhoobley ayaa sheegay in ayna heysanin Bacaha Roobka laga dugsado maadaamo Roobabka deyrta ay ka curteen qeyba kamid ah gobolada dalka.
Dadkan Barakacaaysha ah ayaa dagan cooshado yaryar oo kasamaysan Baco iyo kartoono mana u adkaysan karaan dhibicda Roobka maadaama ay yihiin dad aad unugul.
Qaar kamid ah Barakacyaasha kaamka mowliid laqaay ee Deegaanka Dhoobley ayaa Maamulka Deegaanka iyo Ha’yadaha samafalka ka codsaday Bacaha Roobka laga dugsado.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya