Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 150 qoys oo ku nool kaamka daryeel ee magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa waxaa soo foodsaatay biya la’aan baahsan xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee ramadaan.
Dadkan barakacayasha ah ayaa qaba baahiya badan oo aasaas u ah nolosha oo ay uga horeyso biyo la’aan hooy la’aan arima kale oo isbiirsaday.
Qaar kamid ah barakacayaashan oo la hadlay warbaahinta sanguuni ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka in laga haqab tiro bahiyaha ay qabaan.
Biyo la,aantaan ayaa ku soo beegantay xilli lagu gudo bisha barakeysan ee ramadaan oo ah xilli ay baahi wayn u qabeen bulshada ku nool kaamkaasi.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya