Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo ay jiraan kaamam badan oo ku teedsan Degmada Dhoobley hadana ma haystaan xarumo caafimaad oo u dhow islamarkaana si bilaash ah dawo uga helaan.
Dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka ku yaala Degmada Dhoobley ayaa sheegay in baahi wayn ay u qabaan xarumo caafimaad oo u dhow islamarkaana ay kula tacaalaan dadka ay soo wajahdo xaaladaha dagdag ah .
Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Dhoobley oo aan wareysi la yeelanay ayaa kawarbixiyay baahiyaha ay u qabaan xaruumo caafimaad oo si bilaash ah uga adeegyo caafimaad.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay