Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-kaamka xagar waxaa uu ka mid yahay kaamamka ku yaalla Magaalada Dhoobley, kaamkan ayaa aas-aasan mudo 5 bilood ah waxaana ku nool bulsho dan yar ah oo aan heeysanin adeegyada aas-aasiga u ah nolasha sida biyaha cunada hoyga iyo caafimaadka, dadkaan barkacaayasha ayaa waxay iskugu jiraan dad ka soo barakacay Gobolada Jubbada dhexe iyo Bay waxa ayna soo maciin bidiin Degmada Dhoobley si ay gar gaar uga helaan.
Qaar kamid ah dadka ku nool kaamka xagar oo la hadlay Warbaahinta Sanguuni ayaa ka warbixiyay daruufaha nololeed ee haysta waxayna Maamulka Degmada iyo Hay’addaha samafalka ka codsadeen in gar gaar la soo gaarsiiyo.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya